Organdonasjon

Soomaali

Waa maxay xubin ku deeqid (organdonasjon) iyo qalliin xubin-wareejin (organtransplantasjon)?

Xubin ku deeqid waa xubin ama dhawr xubnood oo dad loogu deeqo. Waxay noqon karaan wadne, beer, ganac, sambab ama kelli. Xubinta waxaa bixin kara qof markaas dhintay ama qof weli nool. Norway xubinta keliya oo uu qofku ku deeqi karo inta uu nool yahay waa kellida.

Qalliin xubin-wareejin waa helidda mid ama dhawr xubnood.

Maxaa muhiim ka dhigaya ku deeqidda xubnaha?

Dad maalinba maalinta ka danbaysa sii badanaya ayaa u baahan xubin cusub si ay u badbaadaan. Baahida loo qabo xubno cusub way sii kordhaysaa iyada oo ay sababtu tahay cudurrada ay ka midka yihiin sokorowga, dhiigkarka, xubno jirka ah oo shaqadooda gaba, kansarka iyo dadka da’da weyn jira oo sii badanaya.

1.    Xubnaha lagu deeqo naf ayay badbaadiyaan

Maanta dad ka badan 400 oo qof ayaa saf ku jira oo sugaya xubin cusub oo naftooda badbaadisa. Qaar badan oo kuwaas ka mid ah ayaa fursadda keliya ee ay ku badbaadi karaan ay tahay in xubin cusub loo geliyo. In ka badan 10.000 oo qof ayaa Norway oo keliya badbaadday kaddib markii xubin cusub loogu deeqay. Hal qof oo xubno ku deeqa ayaa wuxuu badbaadin karaa ilaa iyo toddoba qof naftood.

2.   Iskaa u doorasho

Ma qaadan lahayd xubin cusub haddii ay ahaan lahayd waxa keliya ee naftaada ama midda qof qoyskaaga ah badbaadin kara? Xubin ku deeqiddu waa mid ku salaysan in uu qofku iskiis u doorto iyada oo aanu bixiyuhu ka lahayn dan kale oo aan ahayn in uu qof caawiyo (altruisme). Haddii aanay cidina oggolaannin, markaa cidina heli mayso xubin cusub. Dhab ahaanti saddex jeer ayay uga badan tahay in aad adigu u baahato in laguugu deeqo xubin cusub oo naftaada badbaadisa oo taas ayay uga badan tahay in aad noqoto kii xubinta ku deeqayay.

3.   Qoyskaaga ka baaji in ay g’aanka iyagu kuu gaaraan

Sanad walba waxaa qoysaska ku dhacda in qof qoyska ka mid ah uu dhaawac khatar ah ka soo gaaro shil ama uu maskaxda dhiig uga furmo ama xinjir-xiran (blodpropp) ku dhaco. Markaas ayay timaaddaa su’aasha la xiriirta xubin ku deeqidda, dhakhtarkuna wuxuu qaraabada weydiin doonaa sidii uu marxuumku rabay. Haddii aan la ogayn sida uu rabay, qaraabada ayaa go’aanka gaaraya. Taas oo ah mid ay qoysas badan u arkaan wax adag. Sidaas darteed ayay aad iyo aad muhiim u tahay in aad la hadasho dadka kuwooda kuugu dhow, si ay u ogaadaan arrintan meesha aad ka taagan tahay.

Sidee ayaa lagu noqdaa xubin-bixiye?

Waxa ugu muhiimsan ee uu qofku samayn karo si uu u oggolaado in uu xubin bixiyo waa in uu dadka kuwa ugu sokeeya u sheego go’aankiisa. Waxaa kale oo loo baahan yahay in la buuxiyo kaarka xubin ku deeqidda (donorkort). Kaarka xubin ku deeqiddu waa kaar uu qofku ku sheegayo halka uu ka taagan yahay xubin ku deeqidda, oo islamarkaana uu ku caddaynayo in uu arrintan kala hadlay dadka xigaalkiisa ah. Go’aankaaga meelna lagu qori maayo. Kaarka xubin ku deeqidda waxaad ka helaysaa farmashiyaha iyo xafiiska dhakhtarka. Waxaa sidoo kale lagala soo bixi karaa boggayaga internetka. Waxaa sidoo kale kaarka xubin ku deeqidda isaga oo oo abb ah lagu soo degsan karaa taleefannada gacanta ee casriga ah.

Yaa xubin ku deeqi kara? Qof kasta oo dhinta xubin ma bixin karaa?

Qof kasta wuu oggolaan karaa in uu xubin ku deeqo. Laakiin kuwa keliya ee xubin ku deeqi kara waa dadka u dhinta dhaawac uga dhacay madaxa- ama luqunta, shil, xinjir-xiran ama dhiig maskaxda uga furmay. Sidoo kale waa in qofka lagu xiraa qalab neefta ka caawiya (respirator), si aanay xubnaha lagu deeqayo u hallaabin.

Ma jiraan cudurro ama daawooyin hor istaagi kara in xubin lagu deeqo?

Qof kasta wuu oggolaan karaa in uu xubin ku deeqo. Mar kasta waxaa la samaynayaa baaritaan daawo oo qoto dheer halkaas oo laga baaraandegayo in xubnaha qof kale lagu wareejin karo iyo in kale. Daawo la isticmaalayay meesha kama saarayso in xubin lagu deeqo.

Jinsiyadda, dalka loo dhashay ama dibedda oo lagu noolaan jiray wax saamayn ah ma ku yeelanayaan in aan xubin ku deeqi karo iyo in kale?

Maya. Kuwaan midkoodna wax micno ah uma samaynayaan su’aasha la xiriirta xubin ku-deeqidda.

Sidee ayay diimuhu u arkaan xubin ku deeqidda?

Qof kasta xubin cusub waa u baahan karaa dalkuu doono ha ka soo jeedo, dhaqankuu doono ama diintuu doono ha haysto e, afkuu doonana ha ku hadlee. Diimaha waaweyn ee dunida ku baahsan iyo bulshooyinka wax aamminsan intooda badan wax wanaagsan ayay u arkaan in xubin lagu deeqo, ama way oggolaadaan iyaga oo xoogaa shuruudo ah ku xira. Diimo badan ayaa u arka in ay tahay arrin u taagan raxmad dadka loo muujinayo. Meesha qaar kale aanay go’aan ka qaadan oo ay qofka u daayaan in uu iskiis go’aan u gaaro.

Dadka u baahan xubin ma iibsan karaan?

Norway iyo dalalka kale intooda badanba waa mamnuuc in xubno la soo iibsado ama la gado. Laakiin nasiibdarro dalalka qaarkood ayay arrimo noocaas ahi ka dhacaan. Xubno la soo iibsaday qofna looguma geliyo Norway.

Ma hubi karnaa in ay dhakhaatiirtu dadaalkooda ugu badan sameeyaan si ay bukaanka u badbaadiyaan ee aanay iska dayn si uu u dhinto oo ay markaas xubnihiisa u isticmaalaan?

Dhakhaatiirtu wax walba oo ay qaban karaan ayay qabanayaan si ay naf u badbaadiyaan. Waa waajib saaran, waana shaqadooda ugu muhiimsan. Waa marka aan qofka la badbaadin karin kaddib marka ay imaanayso su’aasha ku saabsan xubin ku deeqidda.

Sidee ayaa lagu xaqiijiyaa in uu bukaanku dhintay?

Waxaa jira habab qoto dheer oo cad oo dhigaya sida loo xaqiijinayo in uu bukaanku dhintay. Dhakhtarku baaritaan tafaftiran ayuu qofka taas ugu samaynayaa, waxaana laga qaadayaa raajo (sawir) muujinaya in aan maskaxda dhiig gaarayn. Maskaxdi markaas way dhimatay, waxna lagama qaban karo. Marka shuruudaha oo idil la buuxiyo, ayaa la qorayaa shahaadada geerida, taas oo ay sixiixayaan labo dhakhtar. Marka halkaas la marayo wax shaki ah kama taagna in uu bukaanku dhintay.

Sidee ayay dhakhaatiirtu ku hubi karaan in uu bukaanku dhintay ee aanu kooma ku jirin?

Bukaanka ku jira «koomada», dhiiggu maskaxda waa wada gaaraa ama qaybo ka mid ah ayuu gaaraa, sidaas darteedna mararka qaarkood way dhacdaa in ay ka soo kacaan. Bukaanka caynkaas ah marna laysma weydiiyo su’aasha ah in ay xubno bixiyaan.

Qofku xubin ma ku deeqi karaa inta uu nool yahay?

Haa, qofku kelyihiisa ayuu ku deeqi karaa isaga oo nool. Jirkayagu labo kelyood ayuu leeyahay, laakiin dhab ahaanti mid keliya ayuu u baahan yahay. Inta badan kellidu waxayba si fiican u shaqaysaa marka laga soo saaray qof nool.

Nolol ilaa intee fiican ayuu qofku ku noolaan karaa haddii uu kelli baxsho?

Qalliinka kaddib dadka intooda badan waxay noloshoodu ahaanaysaa si la mid ah sidii ay ahayd ka hor intaanu xubinta ku deeqin. Hal kelli ayaa ku filan in uu jirku u shaqeeyo sidii loo baahnaa in uu u shaqeeyo.

Si caadi ah miyaa mayka loo aasayaa kaddib marka xubin laga baxsho?

Haa, aas caadi ah ayaa la aasayaa marka xubin laga baxsho kaddib. Laakiin waxaa dhici karta in uu aasku dib u dhaco ilaa 24 saacadood.